25.5 C
Mogadishu
Saturday, July 27, 2024
Home Wararka Afrika Duqa Muqdisho oo shaaciyay qaabka loo aasi doono dadka u dhinta Covid-19

Duqa Muqdisho oo shaaciyay qaabka loo aasi doono dadka u dhinta Covid-19

Iyadoo ay sii kordhayaan kiisaska la xiriira Covid-19 ee dalka laga helay, islamarkaana dhimashada ay mareyso 7 ruux, ayaa Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu shaaciyay qaab cusub oo loo aasi doono, dadka u dhinta Cudurka Coronavirus.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay diyaariyeen koox u tababaran aasitaanka dadka u dhinta Covid-19.

Filish ayaa ka dhawaajiyey in Kooxdaasi ay u diyaariyeen inay aasan dadka u geeriyooda Covid-19 ay ka qeyb yihiin Culimo Soomaaliyeed oo bulshada loogu tala-galay inay ka wacyi-geliyaan in dadku ku soo ururin Meydka qofka u dhinta cudurkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka dalbay bulshadu inay qaataan talooyinka wasaarada Caafimaadka, iyaga oo ka fogaanaya goobaha dadku iskugu yimaadan, kuna dadaalaya faro dhaqashada iyo u dhago nuglaanta talooyinkaasi caafimaad.

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay dad gaaraya 135 ruux inay marayaan kiisaska illaa & hadda la diiwaangeliyay oo laga helay Caabuqaan.

Dadka reer Muqdisho ayaa xilligaan dareemaayo cabsi xoogan oo ku aadan Caabuqaan sida dhaqsida leh Bulshada dhexdeeda ugu faafaya

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com