Ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgal dad lagu qabqabtay

Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay kas ameeyeen Xaafadaha ay ka kooban tahay Magalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle

Saraakiisha holwgalka hoggaamineysay ayaa ka hor howlgalka Ciidamada kula dardaarmay inay si wanaagsan u fuliyaan howlgalka, isla markaana dadka Shacabka ah ay dhowraan.

Xidigle Muxudiin Calsow oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinyaya Amniga Caasimadda Hir-Shabeelle oo dhowr jeer ay ka dhaceenb falal Amni darro.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray in howlgalka ay ku qabteen dad ay uga shakiyeen inay yihiin kuwa falalka Amni darro ka geystaan Magaalada Jowhar, isla markaana ay ku wareejinayaan Booliska Magalada Jowhar ka howlgalla.

Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay aad u wanaagsanaa, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada Maalmaah Xuriiyada ee 26- June iyo 1-da luulyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com