Madaxweyne Lafta-gareen oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Dawlad  goboleedka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan lafta green ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho

Socdaalka Madaxweyne lafta gareen ayaa daaran ka qeybgalka Shirka Madasha wadashatiga Qaran oo la qorsheeyay inuu ka furmo maanta magaalada Muqdisho balse uu dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Laftagareen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo Maamul Goboleedka Koofurgalbeed.

Inta badan madaxda Dawlad goboleedyada Magaalada Muqdisho ka maqan ’ iyadoona  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa oo safar ugu maqanyihiin dalka Masar.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com