Ciidamo dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil oo howlgal bilaabay

Ciidanka Kumaandooska Danab Ururka 6 aad Guutada 16 aad oo ay dowladda Soomaaliya geysay degaanka Wisil ayaa waxaa ay halkaasi ka bilaabeen howlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa howlgalka intiisa badan ay ka sameeyeen duleedka degaanka Wisil, iyaga oo gurmad Dhaka Nolosha ah u fidyay qoysas ka barakacay dagaalkii degaanka Wisil.

Ciidamada oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Danab Ee Degaanada Galmudug Dhame. Feyfle ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen degaannada ku dhow dhow degaanka Wisil.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Ciidamada siweyn u xaqiijiyeen Amniga degaanka Wisil, isla markaana howlgallada ay noqn doonaan kuwa sii socda si looga hortago weerarada Al-Shabaab.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ku qaadeen weerar ku billowday qarax, waxaana dagaal halkaasi ka dhacauy ku geeriyoodeen in ka badan 30 Ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com