Maamulka Hir-Shabeelle & Hay’adda FAO oo ka wada hadlay ka hortagga fatahaadaha

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa manta kulan ku yeeshey Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda beerahaHir-shabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) oo ay wehlinayeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, masuuliyiin kale oo ka tirsan Hir-Shabeelle & mas’uuliyiin ka tirsan Ha’yada Cunada iyo Beeraha Aduunka ee FAO.

Kulanka oo saacado badan socfy ayaa waxaa looga hadlay dardargalinta howlaha Mashaariicda biya xireenka Wabiga Shabeelle ee degaanada Hir-shabeelle Gaar ahaan Magaalada baladweyne.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda beerahaHir-shabeelle Maxamed Bashiir Qaasim (Daqare) ayaa sheegay in kulanka uu kusoo dhamaaday Afgarad iyo in  Mashaariicda Biya xireenka lasii wado si loogu guuleysto.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in la xaliyay murankii kadhashay Muqaal dhawaan baraha bulshada lagu baahiyay oo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu eedeyn ugu jeedinayay Haa’yada FAO.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa wada dadaalo ku aadan sidii Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan looga baajin lahaa fatahaada kusoo laab laabatay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com