Ciidanka Danab oo Hawlgal ka sameeyay gobolka shabeelaha Hoose

Hawlgal oo ay Ciidamada Kumaandooska  Danab ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la sheegay in ay ku burburiyeen Xarumo ay Al-shabaab ku farsamayn jireen Qaraxda.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska DANAB ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas lagu burburiyay Xarumo Qaraxyada lagu farsameeyo oo Al-shabaab ku lahaayeen Degaanka Gendershe ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Hawlgalka lagu qabtay xubno Al-shabaab u qaabilsanaa samaynta Qaraxyada inkastoo aysan tiradooda sheegin .

Taliska DANAB waxay sidoo kale sheegeen in ay sii wadi doonaan Hawlgalada ka socda Gobolka Shabeellada hoose oo lagu beegsanayo Al-shabaab

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com