Gudiga Farsamo ee ka baraan degista doorashooyinka dalka oo soo bandhigay Afar Nuuc oo doorasho ee Dalka lagu qaban karo

Shirka ka socda  Dhuusamareeb ee Caasimada maamulka Galmudug ayaa waxaa guddiga ka baaraandegga doorashada ay soo bandhigeen noocyo doorasho kuwaasoo ay kamid yihiin labadii nooc ee hore ay guddiga doorashoyinka qaran ay u soo bandhigeen.

Guddigan soo bandhigey doorashada ayaa ah kuwo aysan ku jirin ergooyin ka socda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa la sheegay inaysan jirin weli nooc doorasho oo la isku raacsan yahay balse waxaa weli socdo doodo la xidhiidha nooca doorasho ee la qaadanayo.

Gudigaas oouu Hogaaminayaaosii haayaha  wasiirka dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac Islamarkaana ah gudoomiyaha gudiga Farsamada ayaa Habraacyada ay soo saareen waxaa uu u qornaa sidaan:

1- Doorasho dadban oo ay dooran doonaan xildhibaanada ergo u dhexeysa 101-1000 ergo kuwaasoo ay soo xulayaan Odayaasha dhaqanka,bulshada rayidka,waxayna doorashadan dhici kartaa kahor Febraayo 2021.

2- Nooca labaad ee doorashada la soo bandhigay ayaa ah mid isku jir ah Qof iyo Cod ah iyo Mid Dadban, doorashadan ayaa waxaa codeyn kara dad ka badan hal malyan oo ruux iyadoo ka dhacaysa gobolada dalka,doorashadan ayaa waxa ay dhici kartaa illaa July 2021.

3- Nooca saddexaad ee la soo bandhigay ayaa ah mid ay codeyn karaan illaa saddex milyan oo ruux waana doorasho Biometric ah taasoo ah muddo 13 bilood waana doorashadii ay soo bandhigeen guddiga doorashooyin qaran.

4- Sidoo kale nooca afaraad ee la soo bandhigay ayaa ah doorasho hal maalin dhacaysa oo isla maalintaas la diiwaangelinayo codeeyayaasha balse waxaa ay doorashadan qaadanaysaa muddo u dhexeysa 9- 12 bilood.

hayeeshee Gugiga habraaca ay soo saareen waxaa ka maqan maamulada puntland iyo Jubland kuwaas oo diiday ka qayb galka shirka Dhuusamareeb shuruudna ku xiray.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com