Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM oo markale howlgal ka fuliyay Jowhar

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Burundi oo ka tirsan howlgalka AMISOM ayaa waxaa ay markale howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Ciidamada oo wadajira ayaa howlgalkooda waxaa ay ku baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Magaalada Jowhar ka howlgalla, iyada oo sidoo kale Guryaha qaar baaritaan ku sameeynayay.

Major Jean Tuyisenge, oo ah taliye ku xigeenka Sector 3 ee Ciidanka Burundi, ayaa u mahadceliyay sida ay ula shaqeeyeen ciidamada  Dowladda Soomaaliya wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in labada ciidan ay u diyaarsan yihiin ilaalinta Amniga doorashooyinka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sugida Amniga doorashooyinka, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana ka socda howlaha diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorrashooyinka.