Wasiir Beyle oo ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  ayaa Aalada fogaan Araga waxaa uu uga qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika, Bangiga Adduunka iyo IMF.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray  arimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka kasoo kabanaya burburka dhaqaale ee lu dhacay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Siomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ka qeyb galka Shirkan uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Ugu Wasiir Beyle ayaa dambeynu mahadceliyay Dowladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay , si looga hadlo soo kabashada iyo kor u qaadida dhaqaalaha wadamada Afrika oo xilligaan badankood hoosnu dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay sheegeysay inay wado dadaal ku saabsan sidii looga cafin lahaa deymaha, waxaana jira dalal dhowr ah oo deymaha ka cafiyay Soomaaliya iyo kuwo badan oo la qorsbeeynayo inay ka cafiyaan.