faafaahin:Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihiin degmada Ceelwaaq, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad.

Qaar kamid ah dadka ku nool degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana rasaasta qaarkood ay kusoo dhaceysay Xaafada degmada Ceelwaaq.

Wararka la helay ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro  dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka, hayeeshee saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland oo ku sugan degmada Ceelwaaq ay sheegeen in dagaalka khasaaro lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Maanta Ciidamada Kenya iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan, waxaana degmada Ceelwaaq ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolka Gedo.