Ciidanka dowladda oo howlgal ka sameeyay degaano ka tirsan G/Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgallo kala duwan ka wada deegaano hoos yimaado Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalladaan ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in u jeedkooda uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa wadooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaado Degmooyinka Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa uu ka socdaa wadada laamiga ee ka tagta Magaalada Muqdisho, isla markaana aada Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha howlgallada hogaaminaayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka ka go’an tahay in dhamaan degaanada ay ka saaraan dagaalamayaasha Uturka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkaan waday weeraro ay ka geeysanayaan meelo kamid ah Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe