Ciidanka Kenya oo Dad shacab ah ku laayay Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dad shacab ah ku dileen deegaanka Yadoo oo 25KM waqooyi bari kaga beegan Degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo .

Nabadoon Barre Qorane Ducaale oo ka mid ah nabadoonada deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Kenya oo wata saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka ay soo weerareen guri ku yaalla deegaanka Yadoo oo dhalinyaro ku sugnaayeen.

Waxaa uu sheegay in rasaas ay ku fureen ay sababtay geerida wiil uu dhalay iyo dhaawaca labo kale, sidoo kalena qafaashay saddex dhalinyaro oo uu ku jiray wiil uu adeer u ahaa.

Nabadoonka ayaa sheegay in dhalinyaradaas ay ahaayeen xoolo dhaqato, waxaana uu meesha ka saaray in wax xiriir ah la lahaayeen Alshabaab.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanada xuduudka, waxaana muddo jiray tacadiyo ciidanka Kenya u geysanayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan agagaarka Xuduuda, iyadoo ay jirtay dhowr jeer oo ay duqeyn ku dileen dad shacab ah.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com