Ciidanka Xoogga dalka oo Hawlgal ku qabtay Xubno Alshabaab ka Tirsan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 7aad ee Gorgor ayaa howlgal ka sameeyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-Shabaab oo isku dayaya inay khal khal geliyaan ammaanka deegaankaasi.

Ciidmada ayaa howlgalkan ku qabtay laba xubmood oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalladan ee ciidamada Gorgor ayaa shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab