Dabley hubaysan oo Askar ku toogatay Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa nawaaxiga Isgoyska Excontrol Afgooye waxa ay ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Dilkan ayaa yimid, kadib markii dableyda hubaysan ay beegsadaan Askartaan, xilli ay aruurinayeen Canshuur.

Dad goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen ragga dilka gaystay inay ahaayeen laba nin oo ku hubaysan Bistoolado, kadibna ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen labada Askari.

Dilka Askartaasi kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda Federalka Somaliya oo goobta ka sameeyay hawlgal lagu raadinaayo raggii dilka gaystay, inakstoo aan la soo qaban.

Amniyaadka Al shabaab ayaa dilalka gaadmada ah waxa ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho, kadib iyaga oo ka baxsada goobaha Askarta ay ku dilaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com