Dad Loo Soo Qabtay Dil Loo Geystay Darawal Iyo Booliska Oo Ka Hadlay

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Booliska Maamulka Galmudug ayaa howlgal qaatay saacado dhowr ah waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Howlgalka Ciidanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay dhowr ah oo rag kana kamid ah dadka deegaanka Magaalada, kuwaasi oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin dil habeen horey loo geystay Nin Darawal gaari ahaa.

Taliyaha Booliska Caabudwaaq ee Galmudug Farxaan Xuseen Xassan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ragga lagu soo qabtay howlgalka lagu tuhmayo inay qaarkood ka dambeeyeen dilkii loo geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Faadhige Ibraahim Axmed Dhageey oo ka dhacay duleedka Magaaladaas.

Waxaa uu sheegay Taliye Farxaan Xuseen in raggaas ku wareejiyeen Taliska Ciidanka dowladda Federaalka qeybta 21-aad, si sharciga loo horgeyo, wuxuuna tilmaamay in laamaha amniga ay ku raad-joogaan rag kale oo maqan.

Magacyada ragga loo soo qabtay dilka Faadhige Ibraahim Axmed ayaa waxaa lagu kala sheegay Haamuush Aadan Dheer, Nasteex Bashiir tiite, Cali Cabdi Dhicis, Cabdi Caarif iyo Jaange Gacmo Baaste.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay darawalo dhowr ah, ayna ka fuliyeen falalkaas rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ah, iyagoona u dilay arrimo la xiriira aano qabiil.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com