Xukuumadda Soomaaliya oo faah faahisay shir ka furmaayo Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Axad ah in uu ka furmo shir looga hadlayo amniga iyo Maalgelinta, iyad oo Xukuumadda Soomaaliya ay faah faahin ka bixisay shirkaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-geli doona, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo hay’ado Caalami ah, waxaana qiimeyn lagu sameyn doonaa xaalada amni ee dalka iyo maalgashiga lagu sameeyay Soomaaliya heerka uu gaarsiisan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay Shirkaan uu yahay mid lagu qiimeynaayo amniga dalka, lacagaha maalgelinta, deyn cafinta,.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in inta uu shirka socdo la ogaandoono qof walba oo soomalaiya lacag keenay oo maalgashaday, taas oo horudhac u ah Warbixin soo baxeysa sanadka 2024 Saddex Sano kadib.

Wasiirka Maaliyadda ayaa shalay Muqdisho uga qeyb-galay shir looga hadlayay khataraha lacag dhaqida iyo maalgelinta Al-Shabaab, kaas oo uu furay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com