Deg deg qarax intabadan laga maqlay dhawaqiisa degmooyinka gobolka Banaadir oo Muqdisho ka dhacay.

Qaraxani oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay agagaarka Gurigii hore ee Cabdi Qaasim halkii ay ka guurtay safaaradda Qatar ee Soomaaliya oo ku taallay wadada u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka.

Gobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso lala eegtay gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa asluubta, waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa tegay halka qaraxa uu ka dhacay, iyaga oo joojiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka si ay baaritaano u sameeyaan.

Wararka kusoo kordha qaraxa kala socda www.aragticusub.com