Dagaal culus oo ka socda deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ka socdo deegaanka Qalaanqalle oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, kuwaas oo isku haya arrimo la xariira dhul-daaqsimeed.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana uu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa.

Majirto illaa hadda sheegi karta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda deegaanka Qalaangalle ee gobolka Galgaduud.

Dhaawacyada laba dhinac ee dagaalamaya ayaa loo kala daabulayaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamreeb oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay in labadan maleeshiyo ee dagaalamaya ay isku hor fadhiyeen deegaanka Qalaanqalle oo haatan ay ku dirirayaan, waxaana guul dareystay dadaallo lagu qaboojinayey xurgufta labada beelood.