Dagaal ka dhacay Gobolka Baay & faah faahin laga helayo

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansaxdheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, sidoo kale dagaal kooban oo dhexmaray ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, balse Ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgallo kala duwan ka wadaan duleedka degmadaasi.