Heshiis Hordhac Ah Oo Laga Gaaray Xiisadii Ka Taagneyd Magaalada Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo ku yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha hoggaamineysay Ciidankii dhawaan qabsaday Xarunta uu shaqeynayay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Kulamada oo ahaa kuwo xal looga raadinayay xaaladdii ka taagneyd Baladweyne ayaa waxaa lagu gaaray heshiis hordhac ah oo Ciidankii la magac baxay Badbaadada Hiiraan looga saarayo Xarunta Maamulka, iyo xerada Gaaska 5-aad Milateriga dowladda ee lama galaay.

Madaxweyne ku-xigeynka Hirshabeelle -Dabageed, Wasiirka Arimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Muqtar Xuseen Afrax iyo Odayaasha dhaqanka ayaa balan qaaday in la fulin doono shuruudo ay horey Ciidanka la magac baxay Badbaadada Hiiraan ugu xiraan inay ka baxaan Xarunta Maamulka.

Maamulka Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle oo ay ugu horreeyaan Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan, Duqa Baladweyne iyo Mas’uuliyiin kale ee Maamulka ayaa berrito dib ugu shaqa bilaabi doona Xaruntooda oo maalmo kahor la wareegeen Ciidamo diidan in Cali Guudlaawe tego halkaas.

Xafiiska Wararka,Oslo.

info@aragticusub.com