Dawlada Federaalka oo lacag dul dhigtay xubno ka Tirsan shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed Ku wargelisay in ay lacag Ku bixineyso ciddii soo sheegta shan qof oo ka mid ah Al shabaab kuwaas oo horay loo xukumay.

Shanta Nin ee ay raadineyso Dowladda Federaalka ah ayaa afar ka mid ah  waxaa lagu xukumay dil toogasho ah halka qofka shanaad lagu xukumay xabsi daa’in.

Dowladdu ma sheegin qiimaha lacageed ee ay Ku bixineyso xubnaha ka tirsan Al shabaab ee ay iyaga oo maqan xukuntay.

Shanta qof waxaa ay ka mid ahaayeen shabakad ka kooban sagaal qof oo uu hoggaaminayay nin lagu magacaabo Ilkacase kaas oo dhawaan lagu xukumay dil toogasho ah.

Waa markii ugu horreysay oo ay Dowladda Soomaaliya soo bandhigto dad ka mid ah Al shaabab oo ay madaxooda lacag ku dooneyso.