Mareykanka oo dalkiisa ka cayriyay Askar Sacuudiyan ah.

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in wadankeeda ka cayrin doonto Askar sacuudiyaan ah oo tababar ku qaadanayay dalkooda.

Xeer ilaaliyaha Qaranka Mareykanka William Barr oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go,aan ku gaareen in 21-askari oo tababar ku qaadanayay Mareykanka in wadanka laga saaro.

Barr ayaa arintaas ku sifeeyay in askartaasi ka dambeeyeen dhiirigalinta askari sacuudiyaan ah oo Xarun ku taal Gobolka Florida ku toogtay sedex askari oo Mareykan ah.

Isaga oo xusay in baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in falkaasi ahaa mid argagixiso isla markaana keentay in wadanka looga saaro askarta dowlada sacuudiga loo tababarayay.

Ma jiraan war ka soo baxay dowlada Sacuudiga oo ay kaga hadlayaan go,aanka ka soo baxay Mareykanka ee askartooda lagu soo ceyriyay.

Xafiiska Wararka,Washington.

Info@aragticusub.com