Kenya oo ka hadashay xaalada Dhaqaatiir shabaab ay ka soo Aftuubteen Mandheera

Shabakadda Wararka ee cubanews.com ayaa qortay inay Dowladda Kenya xaqiijisay inay Dhakhaatiirtaasi nool yihiin, isla markaana ku hawlan yihiin sidii loo sii dayn lahaa iyagoo bad-qaba. Labada Dhakhtar ee u dhalatay dalka Kuuba oo lagu kala magacaabo Landi Rodrigez iyo Assel Herrera Koree’a waxaa la sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka soo kaxaysteen magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, ee u dhow Xuduudka Somalia bishii April 12-dii ee sannadkii hore.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Kirus Oguna oo la hadlay Wakaalladda Wararka dalka Spain ee EFE News  Agency  ayaa sheegay inay Dhakhaatiirtaasi caafimaad qabaan, isla markaana uu socdo qorshaha lagu soo badbaadin laaha, waa sida uu hadalka u yiri. Afhayeenka waxa uu mar kale ku celiyey inay Dowladiisa ka go’an tahay inay sii wadaan badbaadintooda, isla markaana ay weli nool yihiin.

Mar wax laga weydiiyo inuu sheego halka ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hayaan Labada Dhakhtar ee u dhalatay dalka Kuuba, waxa uu ku gaabsaday inuusan shaacin Karin sababo dhanka Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Kirus Oguna waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan marnaba Wada-xaajood la geli doonin Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu Mowqfifka Dowladiisa isbedeli doonin, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Danjiraha Kuuba u jooga Kenya, Ernesto Gomez Diyaas oo la hadlay Wakaalladda Wararka dalka Spain ee EFE News  Agency  waxa uu sheegay inaysan lumin doonin rajada lagu soo badbaadin lahaa Labada Dhakhtar, balse, waxa uu xusay inaysan haynin war cusub oo ku aadan xaalkooda.

Bishii May ee sanadkii hore, Odayaal Dhaqameedyo ayaa sheegay inay soo arkeen Labada Dhakhtar ee ay Alshabaab gacanta ku hayso, isla markaana ay bad-qabaan.