Dawlada Soomaaliya oo Ciidamo geysay Xadka Kenya kala dhexeya

Xiisad ayaa ka taagan xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee u dhow magaalada Mandheera kaddib markii halkaas la keenay ciidamada dowladda Soomaaliya, sida uu shaaciyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya.

Hadalkaan ayaa soo baxay saacado kaddib markii dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay dhiggeeda Kenya, ayna ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta reer Kenya in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 7 maalmood ah gudahood.

Wargeyska ayaa sheegay in dawlada soomaaliya maanta magaalada muqdisho ay ka daabushay ciidamo diyaarad ay ku qaaday kuwaas oo ay ka dejisay gobolk Gedo

Dawlada Kenya ayaa u aragta tallaabadaasi  mid sii xumeynaysa khilaafka labada dal

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com