Deg deg: Wasiirkii hore Arimaha gudaha oo ku dhaawacmay Dagaalka Dhuusa-Mareeb.

Dhuusa-Mareeb, Warar goordhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaalka ka socda Dhuusa-Mareeb uu ku dhaawacmay Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Dowlada Federaalka.

Abdi Samad moalim Mohamud ayaa la xaqiijiyay in uu dagaalka ku dhaawacmay.

Dhaawaca Abdisamad ayaa yimid kadib markii guri ay ku sugnaayeen isaga iyo Aabihiis aha Gudoomiyaha Ahlu Suna Macalin Maxamuud Weerar ku soo qaadeen Ciidamada Dowlada.

Dhaawaca Macalin maxamuud ayaa ilaa iyo iminka laga soo saarin guriga kadib dagaalka  oo aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka xalay ilaa iyo maanta ka socda Dhuusa-Mareeb waxaana xili walba sii kordhi kara Khasaaraha.

Wixii Warar ah kala soco www.aragticusub.com

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@ Aragticusub.com