Kenya oo ka hadashay eedeyn kaga timid Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Nairobi, Dowlada kenya ayaa jawaab ka bixisay eedeyn kaga timid dowlada Soomaaliya ee ah in faragalin ka wado Xuduuda labada dal.

Afhayeenka Kenya Korneyl Cyrus Oguna  BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay dacwad qabto ay tahay inay soo mariso safaaradda Kenya ay ku leedahay Muqdisho.

“Kama hadli karno waxyaabaha ku qoran war saxaafadeedka, ilaa iyo haddana ma lahan wax naga soo gaaray Dowladda Soomaaliya, kamana hadli karno waxyabaaha ay ka warramayana warbahainta, marka wax dacwad ah oo naga soo gaaray Soomaaliya habayaraatee malahan,” ayuu yiri Oguna.

Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili Warsaxaafadeed shalay ka Soo baxay Wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ku sheegtay in kenya faragalin ka wado Xuduuda labada Wadan.

Xafiiska Wararka, Muqdisho.

Info@aragticusub.com