NAV oo sheegtay in lacagta Xanuunka la siin doono qofkii laga helo Coronovirus.

Oslo, Hay,adda ceyrta qaabilsan ee NAV ayaa maanta shaaca ka qaaday in lacagta Xanuunka (Sykepenger) uu qaadan doono qofkii lagu helo Cudurka coronovirus ee la karantiilay.

Hay,adda oo qoraal dheer soo dhigtay bogeeda ayaa xustay in qof walba oo dhaqtar ku amra in gurigiisa joogo sababo la xiriira cudurkaan uu qaadan doono lacagtaas ilaa Caafimaadkiisa laga xaqiijiyo.

Sidoo kale NAV ayaa tilmaamtay in uusan lacagtaas xaq u yeelan doonin qofkii iskii isku karantiila cabsi cudurkaan uu ka qabo.

Dadka qaba cudurkaan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah gobolada kala duwan ee Norwey kuwaas oo intooda badan safara uga soo laabtay Dalka Talyaaniga.

https://www.nav.no/no/nav-og-samfunn/samarbeid/leger-og-andre-behandlere/nyheter/sykmeldinger-i-forbindelse-med-koronaviruset

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com