Baarlamaanka Norwey oo ansixiyay heshiis lagu taageerayo deyn cafinta Soomaaliya.

Oslo,Baarlamaanka Norwey (Stortinget)ayaa maanta si rasmi ah u meel mariyay heshiisiiska deyn cafinta Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ay soo gudbisay Wasaarada Arimaha dibada Norwey ayaa lagu ogolaaday in dowlada Norwey lacag ku shubto Bankiga dhexe ee Aduunka si ay u fududaato deyn Cafinta.

Dowladd Norwey ayaa balan qaaday in Soomaaliya ku caawin doonto lacag dhan $400 oo milyan.

Norwey ayaa dadaal xoogan ku bixineysa in dowlada Soomaaliya lagu caafiyo lacago deyn ah si ay ugu fududaato shuruudaha deyn cafinta ah.

https://www.stortinget.no/no/Saker-og-publikasjoner/Saker/Sak/?p=78457&target=case-status

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com