Hay,adda Caafimaadka Norwey oo lambar gaar ah u sameeysay Coronovirus.

Oslo,Hay,adda Caafimaadka dadweynaha Norwey ayaa goordhaw soo saartay warbixin ay kaga hadleyso lambar gaar ah oo loo sameeyay in ay soo wacaan dadka qaba ama ka shakiya Cudurka Coronovirus.

Saraakiisha Hay,adda oo labadii maalin ee ugu dambeysay si joogta ah ula hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in hada wixi ka dambeeya la soo wici karo lambarka 815 55 015.

Lambarkaan ayay sheegeen in gaar u yahay la socodka xaalada cudurkaan.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa ugu baaqay bulshada in aysan wicin lambarka xaalada deg dega ah ee 113 .

Ugu dambeeyn Hay,adda ayaa ku dhiiri galiysay qof walba oo ka shakiya in cudurkaan qabo in si dhaqsa ah u waco lambarka gaarka ah oo ay maanta soo bandhigeen.

Xafiiska Wararka,Oslo

Info@aragticusub.com