Deni oo xil ka qaadis ku sameeyay masuul ka tirsanaa wasaarada Caafimaadka Puntland

Dikreetada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Agaasimaha cusub ee Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka lagu magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed (La-xabaal).

Maxamuud Axmed Saalax Caato ayaa xilkaasi hayay mudda sannad iyo sagaal bilood ah kadib markii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu 28-dii June 2018 u magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa wakhtigaas xilka ka qaaday Xassan Shire Abgaal oo mudda dheer ahaa Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Caafimaadka Puntland balse 28-dii June 2018 loo wareejiyay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com