Madaxweynaha JF somaliya oo bedelay gudoomiye kuxigeeno katirsan gobolka banaadir

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad Alla iyo Guddoomiye kuxigeenkii Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir ku xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen in uu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020.