DFS Oo Soo Saartay Hab-Raaca Rasmiga Ah Ee Ka Hortagga Iyo Xakameynta Caabuqa COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay hab-raac rasmiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta Caabuqa COVID-19 (Omicron Variant) si bulshada looga badbaadiyo khatarta fayraska dilaaga ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada waxaa lagu faray inay qaataan Tallaabooyinka Caalamiga ah ee ka hortagga iyo xakameynta caabuqa COVID-19, kuwaas oo ay ku talinayso Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladda COVID-19, gaar
ahaan heerka uu marayo caabuqa wadanka gudihisa iyo dibaddaba. Habraacan cusub
wuxuu imaanayaa ayadoo ay sii kordhayso qatarta soo cusboonaatay ee COVID-19 ee ka
dhalatay nooc cusub ee loo yaqaan OMICRON.

Sidaa awgeed, waxaa muhiim ah in la raaco dhammaan hab-raacyada iyo hab-maamuuska
horseedikara ka hortagga iyo xakamaynta cudurka ayaa lagu yiri” Warka Wasaaradda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com