Ilhaan Cumar  “Farmaajo  Waa In Uu si deg deg ah Isku Casilaa.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka ayaa war kasoo saartay khilaafka kasoo dhex cusbnoonaaday Madaxeynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilhaan Cumar ayaa farmaajo ugu baaqday  inuu iscasilo, kadib Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka.

“Farmaajo hal sano ayaa hadda laga joogaa markii uu mudo-xileedkiisa dhamaaday, waa inuu iscasilaa.

Doorashada waqtigeedu uu daahayna waa in si dhaqso ah loo wadaa” ayay tiri Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ah mid cakiran, iyadoo horay beesha caalamaka iyo Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanku ay walaac ka muujiyeen, khilaafka iyo is qab qabsiga kasoo dhex Cusboonaaday Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com