Dhageyso: Madaxweyne Xasan sheekh : Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dambeeyay dadkii shalay lagu Rasaaseeyay Muqdisho.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan sheekh Maxameed ayaa shir jaraa,id oo ku qabtay magaalada muqdisho waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo doorashada ay ka mid tahay iyo khilaafka dawlada kala dhexe puntland iyo jubland ee arimaha doorashada .

Mudane Xasan Sheikh Wuxuu sidookale ka hadlay Banaanbaxii ka dhacay magaalada Muqdisho, Wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa Banaanbax Nabadeed, Balse dadkii soo Abaabulay Rasaas ay Ciidamadu u adeegsadeen.

Hadana waxaa la ogyahay in dadkii Banaanbaxa dhigayey ay Qaar kamid ah Hubaysnaayeen, oo ay Rasaas Dhankooda Adeegsadeen, Balse taasi kama aanu hadlin.

Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay Sharciga ilaaliyaan, Wuxuuna tilmaamay inay tahay Nasiib darro in loo adeegsado  Baajinta Banaanbaxa, Wuxuuna tilmaamay inay Musharixiintu Marka ay Macquul noqoto ka qayb geli doonaan Banaanbaxa ayuu yiri Madaxweyne Xasan sheekh.