Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay hub dawlada Turkiga ay u gacan gelineyso dawlada Federaalka Soomaaliya

Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.

“waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.” Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Golaha.

Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.”

 Golaha Midowga Murashixiinta, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu ciidamada Haramcad u adeegsaday  xoog ku muquunin iyo ku shubasho doorashooyinka gobolada, sidaas darteedna shaki laga qabo, in uu isla ciidamadan Haramcad iyo hubka ka imaanaya Turkiga u adeegsado  afduubka doorashooyinka soo socda.

“ Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.” Ayaa lagu soo geba-gabeeyay Qoraalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com