DHAGEYSO:-Senator Nuuro Faarax Jaamac oo Hambalyo ku aadan 1-luulyo u dirtay dhaman umadda Soomaaliyeed.

 

Senator Nuuro Faraax Jaamac oo ka tirsan xubnaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortay deegaanada Waqooyi ee dalka ayaa hambalyo ku aadan1-luulyo u dirtay dhaman umadda Soomaaliyeed.

Senator Nuuro Faraax Jaamac ayaa sheegtay in Kowda Luulyo ay tahay maalin qiimo badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dadaal bdan.

“Waaxan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna.

Waxaan abaal u haynaa, ku faaneynaa, una duceyneynaa aabbeyaashii u soo halgamay, soona hooyay xorriyadda aan ku naallooneyno kuwaas oo guushaas ku gaaray isku duubni, wadajir, walaalnimo iyo is-jaceyl.

61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen a ayaa sheegay in Kowda Luulyo ay tahay maalin qiimo badan oo dadka Soomaaliyeed ay ku bixiyeen dadaal badan.

Sidoo kale waxay tilmaaantay in ay jiraan taarkhdii qaar oo laga saaray mesha .

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com

Hoos ka dhageyso wareysi dheer: