Madaxweynaha Puntland oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan, kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani iyo wafdi uu hogaaminayay.
Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ayaa booqasho maalmo qaadan doonta ku yimid Jubaland iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda Dowlada Jubaland iyo Bulshada.

Masuuliyiinta ayaa inta booqashadan ay socoto kulamo ka yeelan doona xaalada dalka iyo iskaashiga labada dhinac.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com