Dhageyso: Waxgarad Baaq Nabadeed ka soo saaray Xiisada Degmada Matabaan

Boqor Axmed Cabdi Cali oo  ka mid ah waxgaradk ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo waraysi siiyay warbaahinta Aragti Cusub ayaa wax laga xumado ku Tilmaamay Xiisadaha Colad ee ka jira Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan .

Nabadoon Axmed Cabdi Cali  boqor Cabdalla ayaa sheegay colaada Degmada Matabaan iyo Guud ahaan gobolka Hiiraan ay sababay in darawalo lagu dilo Jid u dhexeya Matabaan iyo Baladweyne  , Waxaana uu sheegay in sidoo kale Afduubka loo geysanayo  Dadka shacab ah ee saran Gaadiidka Rakaabka ah Halkaasi uu ku soo batay isaga oo sii hadlayay ayaa sheegay in Dadka Afduubka loo geystay lagu kala qaadanayo madax furasho ahan lacag gaareyso  10,000 ilaa 15,000 oo doolar ah

Boqor Axmed Cabdi Cali ayaa ugu baaqay Dawlad Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Galmudug iyo Hirshabeele in  ay wax ka qabtaan dhibaatadaasi.