Dhageyso:sidee looga ciiday magaalada muqdisho soomaliya.

 

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga Ciiday Maalinta Koowaad ee Ciida Carafo shalay , iyada oo Masaajida iyo Goobaha fagaaraayaasha lagu dukaday salaada Ciida.
Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho ayay Maanta dadka ku dukadeen salaada Ciida, waxaana looga bartay inay kala qeyb galaan Madaxda sare ee dowladda balse Ciidan aysan tegain.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada muqdisho ayaa saxmad ahaa saaka, caruur iyo waalid gacanta haya ayaa soo buux dhaafiyay kuwaasoo u socday booqashada iyo marxabeynta eheladooda.
Qaar kalena waxay u socdeen goobaha jardiinooyinka ah ee loo tamashle tago oo sidii Ciidooyinkii hore u furan , kuwaas oo badankood sawiro ku galaya si ay ugu soo bandhigan baraha Bulshada.
ilyaas daa.uud oo kusugan magaalada muqdisho ayaan ka wareysanay
Hoos ka dhageyso:

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com