Digniin laga Soo Saaray Fatahaad Wabiga Shabeele uu ka geysto degano ka Tirsan gobolada Dalka Soomaaliya

Wasaarada Gargarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa ka digtay in Wabiga shabeele Fatahaad  uu ka geysan karo maalmaha soo socda degaano ka Tirsan gobolada Dalka

Wasaarada Gargaarka aya shaacisay Roobab ka da,a  Dalka Itoobiya ay Keeni karaan in Biyo Badan ay ku soo shubaan wabiga shabeele ee ka yimada Dalka Itoobiya

Degaanada uu Maro Wabiga shabeele ee gobolada Hiiran ,shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose ay saameyn ku yeelan karan Fatahaadaha Nolasha Dad Badan oo ku nool goboladaasi  noloshoodana ay ku Tiirsan tahay Wax soo Saarka Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com