Taliska Booliska Soomaaliya oo ka War bixiyay Hoobiyaal xalay ku soo dhacay Xaafado ku yaala Muqdisho

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa baaritaan ku Sameeyay Dhawaqa Hoobiyaal xalay laga maqlay Xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya

Afhayeenka Booliska gobolka Banaadir  Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali ayaa warbaahinta u sheegay in abaare 8:20pm waqtiga Muqdisho ee Xalay ay Al-shabaab ay si dhuumaalaysi ah ku tuureen ilaa 4-qarax oo ka samaysan baaruud Dheemish ah oo aan gaysan wax qasaare ah ayuu yiri Afhayeenka .
Waxa uu sheegay inay baaritaan ku hayaan kooxda abuurtay cabsi galinta, islamarkaana Boolisku ay qaadayaan tallaabooyin amniga lagu xoojinayo.
Degmada Boondheere ayey ku soo dhaceen qaraxyadaasi Dheemishka, waxaana Boolisku saxaafadda isugu yeereen inay tusiyaan cadaymaha muujinaya in qaraxyadu in ahaayeen kuwa aan rasmi ahayn.
Madaafiicdii xalay laga Maqlay Magalada Muqdisho ayaa ahaa hoobiyaal ku soo dhacay Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir Taasi oo cabsi ay ka muujiyeen Dadka shacabka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com