Diyaarad sida gaadiid dagaal oo ka degtay degmo ka tirsan Gobolka Gedo

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay ka ambabaxday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

  1. Sida ay warbaahinta  ogaatay gaadiidka iyo hubka faraha badan ee la geeyey halkaasi ayaa loogu tala galay ciidanka dowladda ee dhowaan gaaray gobolka Gedo, gaar ahaan kuwii xalay la wareegay Luuq iyo Beled-Xaawo.

Dowladda federaalka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay xoojisay dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Jubbaland ee ay ka wado koonfurta Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka,Muqdisho 

Info@aragticusub.com