Dowlada deegaanka somalida oo war kasoo saartay xaalada Covid 19 ee deegaanka

War qoraal ah oo ka soo baxay gudiga ka hortaga corona virus ee dowlad deegaanka soomaalida ayaa soo saaray digniino looga hortagayo covid 19, iyadoona digniino loo diray shacabka ku nool deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida.

Guddiga ayaa sheegay in la joojiyo goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha, si looga baaqsado faafida caabuqa corona Virus

Sidoo kale kusimaha madaxweynaha dowlad deegaanka soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo dhamaan isku socodka gaadiidka marka la gaaro 8:00 habeenimo ilaa iyo 6:00 subaxnimo, si baa lagu yiri looga hortaga faafida cudurka Covid 19.

Qoraalka guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cidii aan u hoggaansamin amarkan tilaabo cad ah laga qaadi doono.

Go’aanka ka soo baxay kusimaha madaxweynaha dowlad deegaanka soomaalida ayaa ku beegmaya xili dadka qaba cudurka corono virus uu gaaray heerkii ugu sareeyay