Gudoomiye ku xigeenkii Maaliyada Degmada Wanlaweyn oo Qarax lagu dilay

Guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo  Maaliyadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto ayaa xalay  lagu dilay degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa u geeriyooday Bam-gacmeed lagu tuuray guriga uu ka deganaa degmada Wanlaweyn, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay qaar kamid ah qoyskiisa oo ka kamid yihiin Aabihiis iyo xaaskiisa.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay Mas’uuliyada Dilka loo geystay Gudoomiye ku xigeenkii  maamulka iyo maaliyada degmada Wanalweyn

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com