Roobab Mahiigaan ah oo kada’ay Qardho

Roobab mahiigaan ah oo saacadihii u dambeeyay si xawliya uga da’ayay magaalada Qardho ee xarunta gobolka bari ayaa daadad xooggan waxaa ay ku dhufteen xaafadaha magaaladaasi.

Daadadka oo xooggoodu ka dhashay Roobkii ka da’ay gobolka Bari ayaa buux dhaafiyay xaafadaha magaalada Qardho waxaana la soo sheegayaa in gurya badan ay dumeen halka qaar kalena laga cabsi qabo in ay dumaan haddii daadadku sii socdaan, waxaana jira gaadiid ay la tageen daadadku.

Sidoo kale biyaha Roobka ayaa qoysas badan guryaha ku buuxiyay halkaas oo laga daad-gureeyay carruurta iyo dadka tabarta yar islamarkaana ay agabyo kala duwan qaateen.

Ilaa iyo haatan si rasmiya looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay daadadkaas ku rogmaday Qardho balse waxaa la hubaa in ay saameeyeen dhammaan xaafadaha magaalada.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com