SAWIRO:-Maamulka G/Hiiraan oo bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaadaha

 

 

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Maanta  bilaabay Caro tuur lagu sameynayo hareeraha Wabiga Goobaha ay Biyaha ka baxaan xilli laga Cabsi qabo in Wabiga uu Beledweyne fatahaad ka sameeyo.

Goobaha qaar ee Wabiga ayaa biyo aad usoo buux sdhaafiyeen,waxaana dadka Beledweyne ay sheegayaan inay ka cabsi qabaan iyo in uu Wabiga karkaarada jabsado.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shalay kormeeray Goobaha qaar ee Wabiga,isaga oo sheegay in Biyo farabadan ay kusoo wahahan yihiin Magaalada Beledweyne.

Sanad walba ayaa wabiga Shabeelle ee mara Gobolada labada Shabeelle iyo Hiiraan waxaa uu sameeyaa fahataado sababa inay dad badan barakacaan.

  

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com