Wasaarada caafimaadka XFS oo ka warbixisay kiisas cusub oo Covid 19 ah

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 3-qof oo hor leh ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka ugu geeriyoodeen xanuunka COVID-19.

Mid ka mid ah dadka geeriyooday ayaa ka mid ahaa 9 qof oo xalay ku dhintay isbitalka Martiini, kaasi oo la xaqiijiyey in uu qabay COVID-19, halka 8-da kale la baaray balse aysan weli soo bixin natiijada baaritaankooda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in dalka laga diiwaan geliyay 44-kiis oo Coronavirus ah, sidoo kale afar qof ayey shaacisay wasaaraddu inay kasoo bogsatay cudurka COVID-19.

40 kamid ah dadka maanta laga helay cudurkaas waxay ku noolyihiin Muqdisho, halka afar kalena laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Puntiland.

35 kamid ah bukaannada cusub waa rag, halka sagaal ay yihiin dumar.

Tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee Soomaaliya laga diiwaan geliyay ay gaartay 480. Tirada guud ee geeridu 26 ruux, waxaana kasoo bogsatay 14 qof, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur.

Geeska Afrika Soomaaliya ayaa hadda ah dalka laga diiwaan-geliyey tirada ugu badan ee dhimashada kiisaska COVID-19, waxaana ay kaalinta labaad ku jira dalka Jabuuti oo laga diiwaan geliyey 1035 kiis, balse ay dhimashadu yartahay.