Gudoomiyaha baarlamanka Hir-shabelle oo kahadlay khilaafka udhexeeya isaga iyo Madaxweyne Waare

Guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa ka hadlay khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhaxeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.

Sheekh Cusmaan Barre ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ka dalbaday inay soo faro geliyaan xiisadda ka dhex aloosan madaxda Hir-Shabeelle, waxuuna madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa ku eedeeyey inay Hir-Shabeelle ka dhigteen maqaaxi nin lee yahay.

Sidoo kale musuq maasuq baahsan ayuu sheegay in xilligan uu hareeyey maamulka Hir-Shabeelle, wuxuuna intaasi ku daray in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 54-xildhibaan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Waare ayuu si gaar ah ugu eedeeyey in uu ku takri falayo awooda dowladeed iyo arrimo kale. Waxaana maanta Jowhar ka taagan xaalad kacsanaan ah, iyadoo labada garab ee khilaafku u dhaxeeyo ay kulamo la yeelanayaan xildhibaanada.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Xuseen ayaa isla xalay Jowhar ka sheegay in uu qabtay mooshin ay ku saxiixanyihiin 63-xildhibaan, kaas oo la doonayo in xilka looga qaado guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Cusmaan Barre.

Waxaa maalmihii dambe cirka isku sii shareerayey khilaafka siyaasadeed oo soo kala dhex galay madaxda maamulka Hir-Shabeelle.

Khilaafka ayaa xoogiisu waxa uu u dhaxeeyaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle oo isku dhinac ah iyo guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabeelle Sheekh Cusmaan Barre, waxayna ku wada sugan yihiin magaalada Jowhar ee xarunta maamulka.