Sagaal ruux oo Covid-19 ugu geeriyootay Isbitaal Martiini

Muqdish : Aragticusub  Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, ayaa si horudhac ah u shaacisay in xalay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ay ugu geeriyoodeen dad gaaraya Sagaal ruux, kuwaasi oo Isbitaalka la keenay.

Qoraal kooban oo Wasaaradda ay soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay Bukaanadan oo la ildarnaa Caabuqa Covid-19 in la keenay Isbitaalka, islamarkaana xalay ay ku dhinteen.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalka ay soo saartay ku tiri “DIGNIIN: Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo ritay caabuqa ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan marka xaaladdoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taas oo sababta in Ia badbaadi waayo bukkaano badan oo ay dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in Ia bad baadin karay haddii xilli hore Ia soo gudbin lahaa.”

“Sidaas darteed dhammaan lsbitaallada waxaa looga digayaa in bukaannada leh astaamaha safmarka COVID-19 ay ku hayaan waa waajib saaran maamulka isbitaallada inay soo gudbiyaan bukaannada Isla marka ay ku arkaan astaamaha COVID-19.”

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa ku soo batay dadka tacsida u diraayo ehelkooda, iyadoo sidoo kale Qabuuraha cusub ee ku yaallo Waxarcadde la geeyay dad badan oo Marxuumiin ah oo Magaalada ku dhintay.

Cudurka Coronavirus, ayaa wuxuu si xun ugu sii faafayaa Magaalada gudaheeda, waxaana aad u yar taxadarka Bulshada ay ka muujinayaan Xanuunkaan.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com