Dowlada Fedralka oo agab caafimaad gaarsiisay baydhabo

Wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan guddiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaaray magaalada Baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo daawooyin caafimaad waxaana sidoo kale ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala-galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan.

Guddigaan oo ay hoggaaminayaan mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu wadaa inay socdaalkooda Baydhabo soo gababeeyaan isla maanta, si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com